Shir looga hadlayo Garsoorka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

0
192

Shir weyne Qaran oo looga hadlayo Garsoorka dalka Soomaaliya, ayaa Maanta oo Isniin ah si rasmi ah uga ka furmay Magaalda Muqdisho.

Teaser Image Shir looga hadlayo Garsoorka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda & Dastuurka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka furmay Hotelka Jazeera ee ee Muqdisho, waxaana furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa’uud.

Shirkan oo socon doona mudo 3 Maalmood ah, ayaa waxa uu Ujeedkiisu yahay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Hannaanka ay ku shaqeeyaan Garsoorka iyo Garsoorayaasha ka howl gala dalka Soomaaliya.

Waa Shirkii 2-aad oo noociisa ah oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo looga hadlayo Garsoorka dalka, oo ah Meesha ugu daran ee Shacabka ay ku dulman yihiin, iyagoo ka cabanaya Musuq-maasuq ka jira Maxkamadaha Gobolka Banaadir.

Idale News Online ,Xafiiska Muqdisho