Dhageyso: Shir khuseeya DF Soomaaliya oo Nairobi ka furmaya

0
208

Nairobi(INO)-Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya uu ka furmo shir ku saabsan Maalgashiga Somalia, shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen DF Somalia, Bangiga adduunka, Safaarada Mareykanka iyo sidoo kale mashruuca Shuraako.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeybgali doono Diplumaasiyiin heer gobol, Ganacsato, Hay’ado iyo hantiilayaal u kala dhashay qaarada madow ee Africa.

Halkan Ka Dhageyso.

Kulankan ayaa socon doona laba maalmood, iyadoo xooga lagu saarayo kobaca dhaqaalaha Somalia, wanaajinta horumarka, fahamsiinta dadka Soomaaliyeed kheyraadka dalkooda ku jira iyo arrimo muhiim u ah dhiiri-gelinta ganacsiga Somalia iyo Hay’adaha ajnabiga ah ee doonaya inay Soomaaliya maalgashadaan.

DF Somalia ayaa waxaa u matali doona Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo wufuud uu hogaaminaayo, waxa uuna Wasiirku sheegay isagoo ku sugan Nairobi in shirka uu muhiimad gaar ah u leeyahay DF Somalia iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

“Muhiimad weyn ayuu leeyahay, waayo dalka Somalia dhisidiisu dowladda kaliya uma baahna ee wuxuu u baahan yahay dadka Somalida, ganacsatada iyo aqoonyahanka, dibad-jooga Somalida ay isku tagaan, nin walba wuxuu tari karo uu sameeyo, fikirkana la isku geeyo si dalka dib loogu dhiso,”

Ugu dambeyntii waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay Natiijooyinka kasoo bixi doona Shirka oo socon doono mudo laba maalin ah.

Idale News Online,Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here