Shir Ka Dhacey Baydhabo Oo Looga Hadley Arimo Ka Taagan Gobolka Shabellaha Hoose

0
221

Baydhabo(INO)-Dagaal beeledyada ku soo laab laabtay gobolka shabeelaha hoose deegaano katirsan ayaa shir waxaa ka yeeshey masuuliyiin iyo dad ka soo jeeda deegaanka, waxaana kulankasi uu ka dhacay magaalada Baydhabo.

shirkaBaydhaba4

War murtiyeed laga soo saaray kulanka oo saacado qaatay islamarkaasina ay ka qeybgaleen waxgarad ayaa lagu xusay qodobo muhiim u ah dadka deegaanka oo ay kujiraan kuwo loogu baaqayo in dagaalada la joojiyo.

Nabadoon Cabdiqaadir Ajuuke oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda gobalka Shabellaha hoose oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dagaallada xilligaan kasoo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay in Odayaasha ay isku fahmeen sidii loo kala dhex gali lahaa dhinacyadii dagaallamay, islamarkaana wax walbo lagu xalin lahaa sida ugu haboon.

Ugu dambeynii Deegaanno hoostaga degmada Qoryooley waxaa dhawaan ka bilawday dagaal beeleed sababay qasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here