Sheeko Gaaban: Maalintii iigu horeysay Xeebta

0
249

Maalintii Jimcaha 12- Agosto 2016 Ayaan Xamar Ku Soo Degney Aniga Iyo Koox Wariyaal Ah OO Xarumo Kala Duwan Ka Howlgala OO Gobolada Ku Yaala Waxaan Ka Nimid Magaalada Hargeysa Oo Mudo 15 Cisho Ah Tababar Aan U Joogney

Soo Safrideena Ka Hor Waxaan Ku Balansaneen In Aan Muqdisho Mudo Ku Damaashaadno Inta Aa Anan Magaalooyinkeena Ku Laaban Nasashada Ka Dib

Waxaan Isla Galab Nimadii Ku Kulaney Xarunta Idaacada Risaala Oo Ku Taala Isgoyska Ceel-Gaabta Sheeko Ka dib Waxaan maqribka Ka Dib Aan Galney Beerta Nabada (Peace Park)( حديقة السلام) Sheeko Kaftan Iyo Wada Damaashaad Ka Dib Saacada Ayaa Waxaa Ay Gaartey 11:00 PM Habeenimo Waxaanu Kala Tagney Waxaana Ku Balaney Xeebta Dalxiis Ee Liido

Saddaxdii Galabnimo Ama sagaal saac Ayaan Hadana Dib U Kulaney Aniga Asxaabteydii Waxaa Nagu Soo Biirey Saaxiibo Kale OO saxaafada Aan Ka Dheereyn

Waxaan U diyaargarowney In Aan Ku Soo Damaashaadno Xeebta Liido Ilaa Fiidka Inta Aan Xeebta Aadin Ayaan Meelo Yer Oo Aan Sidaas Uga Fogeyn Isgoyska Ceel-Gaabta  OO Lagu Iibiyo Bijiyaha Ku Daahney OO Waxaan Cuney Ilaa 10,000 OO Bijiyaha Ah Ama $ 0.5

Ka Dib Bajaaj Ayaan halkaas Ka Qabsaney Waxaana Eheyn Ilaa Lix qof Sheego Iyo Damaashaad Inta Wadada Lagu Jirey Ka Dib Waan Gaarney Xeebta Liido OO Maalintaas Sidaasi Loo Joogin Maadaada Ay Aheyd Maalin sabti Ah dadka Badanaa Waxay Ahaayeen Kuwo Ku Kala Maqnaa Shaqo Iyo Waxbarasho

Waxaan ka Degney bajaajkii  Dukaan Yer Ayaana Hor Istaagney Oo Lagu Iibiyo Alaab Yer Yer Waxaana Sidoo Kale Afaafka Hore Yaaley Jaakado Loogu Tala Galey In Ay Xirtaan Dadka Dabaasha Aqoon

Waxaa Irida Hore Fadhiyey Labo Hablood Waxay Laabtop Ama Computar Ka Daawanayeen Filim Hindi Ah Waxaa Mid Inaga Naga Mid Ah ka Codsadey In Ay Noo Hayaan Ama Aan U dhiibano Mobailada Iyo Dharka Anigana Waxaan  Weydiiyey Jaakadaha Waxaa Lagu Kireeyo Waxay Igu Tiri Waa Hal Doollar 1 $ Waxaan Weydiiyey Imisa saac Weeye Halka Dollar Waxay Igu Tiri Inta Aad Ka soo Daaleyso

Waxaan ka Qaatey Mid Gaduud Ah Ama Casaan Ah Lacagtanana Waxaad Bixineysaa Marka Aad Soo Dhameysato Ayey Ii Sii Raacisey .

Saaxiibadii Kale Ayaa Weydiiyey In Ay hayaan Kubad Aan Xeebta Ku Ciyaarno Waxay Ku Tiri haa Waan Hayaa Waa Shaqadeyda Wuxuu Ku Yiri Waan U imaaneynaa .

Intaa ka Dib Xeebta Ayaan U Soo Baxney Dad Aan Sidaa U Badneyn Ayaa Jooga Aniga Jaakitkeygii Ayaan Xirtey Si Difaac Ahaan Ah Maadaada bada Ay  Tahay Maalinkii Iigu Horeysey Ee Aan Dabaasho Ama Biyaheedo Galo

Gudaha Marka La Galay Waxaa La kala Tagey Qaar Ayaa Gudaha bada galay Qaar Dhexda Kuwa Kalena Sidaa Uma Aysan Fogaan Cabsi Darted

Mudo Halsac Ka Dib Qof Kasta Ayaa Soo Daaley Dib Ayaa Bada Looga soo Baxay  Xeebta Ayaa La Wada Imaadey Mid Naga Mid Ah Ayaa Kubadii Noo Dooney Marka La Keeney Waxaan U Kala Baxney sadax Sadax Maadaama Lix Aanu Aheyn

Saacad Barkii Hadana Waa La Daaley Damaashaadka Waxaan Go,aan saney In aanu Ku Soo Gabagabeysno In Aan Doon Ama Laash Ku Tagno  Xeeb Labaad Oo qaar Ka Mid Ah Oo Aniga Kow ka Ahay Wali Arag Aadbaan U Xiiseynayey Maadaada la IIga Sheekeeyey

Doon Ayaan Qabsaney Waynu La Heshiiney Inagoo Doontii saran Ayaa Mid Saaxiibada Ka Mid Ah Naga Dal Badey In Labo Askari OO Dharka Ciidanka Wata Qoryo Iyo Booshashna Ay U Xiran Yihiin Naga Balbadey In Ay Na Raacaan si damaashaadka Qeyb Uga Noqdaan

Markii Ay Soo Fuuleen Ee Aan Dhaqaaq Damacney Ayaa Mid Asxaabta Ka Mid Ah Ka Degey Doontii Waliba Si Xoog Ah Wuu Sii Ordey  Waxaan Is Weydiiney Sababta Waana Fahmi Weyney Markii Uu Ordey Wuxuu Ku Dhuuntey Derbi Ku Dhow Maqaayada Liido Seafood   Waxaan U Maleyney In Uu Caamiradii Noo Soo Qaadayo Wiil Ayaa yiri Aniga Ayaa Soo Qaadey

Markaas Ayaa Wiilkii Doonta Wadey Nagu Yiri Waqti Ayaa Igu Socda Aan Idinka Shaqeystee Iga Dega Ama Aan Baxno Askartiina Waa Ay saran Yihiin

Aniga Ayaa Ka Degey Doontii Markaas Wuxuu Iiga Muuqdey Meel dheer Waan U Qeyliyey Wuu Ii Gacan Haatiyey Waxaan Dareemey In Uu Ii Yeerayo Waan U Tagey Aniga Oo Waliba Yaaban !!

Anigoo Qeylinaya Ayaan  ku Dhaxay Maxaa Kugu dhacay Waa Qalad Waxaad sameysey!!!!!

Wuxuu Igu Yiri “ Dhageyso Sxb Ma Taqaanaa Askarta “ Waxaan Ugu Jabaabey “Mayi”!!  Wuxuu Ii Sii Raaciyey “Ogoow Saaxiib Kuwii Dadka Halkaan Ku Laayey In Ay Sidaan Oo Kale U Lebisnaayeen Kawan Hadii Ay Bada Dhaxdeeda Aynu La Tagno Maxay sameyn Karaan Ayey Kula Tahay “ Shaki Ayaa Igu Dhashey Isaga Ayaana La Fadhiistey Asxaabtii Kale OO Wada Yaaban Ayey Noo Yimaadeen Iyaga OO Sideydii Hore U Qeylinaya !!

Si Degan Ayaa Loo Wada Fahansiiyey Inkastoo Wiil Naga Mid Ah Ku Doodey Aniga Ayaa Aqoon U Leh Waxaa Staff Ka Yiriin Waziir Galmudug Ka Tirsan Aqoon In taa ka Sii Badana Uma Lihi Ayuu yiri!!

Go,aan Ayaana Ku Gaarney In Aan Mid Kale Raacno Waxaana Si Nabad Ah Loogu Soo Idlaadey Damaashaadkeenii Liido Alxamdulilaaah.