Sheekh Xasan Daahir iyo Ergadii Waanwaanta la soo gashey oo qaarkood la xirey kuwa kalena la jirdiley

0
240

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xarunta Nabadsugida qaranka ee Guriga Habar Khadiijo lagu xiray Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo ragii la socday, kadib markii uu fashilmay wada hadalo xalay ka socday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wada hadalada ka socday garoonka diyaaradaha oo ay ku lug lahaayeen Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga, oo wafdigii ka keenay Cadaado ay isku afgaran waayeen waxyaabihii lagula heshiiyay Sheekha oo ahaa in loola dhaqmo sidii nin oday ah, isla markaana dowladda ay macaamil fiican la sameyso, hase ahaatee la isku maandhaafay taas.

Arrimaha markii hore la isku maandhaafay intii garoonka lagu sugnaa ayaa aheyd inay doonayaan in Sheekh Xasan ay geeyaan magaalada, hase ahaatee laga diiday, waxaana lagu amray odayaasha iyo xubnihii kale ee Cadaado ka soo kaxeeyay Xasan Dahir inay garoonka ka baxaan, hase ahaatee ay ku adkeysteen in aanay baxeyn.

Intaas kadib ayaa xubnahan oo xalay la geeyay Xarunta Nabadsugida ayaa aaqirkii keentay in halkaas Odayaasha dhaqanka iyo xubnihii kale ay diidaan in Sheekh Xasan la xiro, isla markaana dalbaday in iyagana lala xiro.

Yuusuf Indha Cadde oo ka mid ahaa ergadii Cadaado ka keentay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay, isagoo xusay in qaarkood la jirdilay, qaarna la dhaawacay sida uu yiri.
X_-Aweys
Axmed Diiriye Cali ayaa isaguna sheegay in dadka aad loo jirdilay, qaar dhaawacan yihiin, isla markaana rasaas loo adeegsaday markii ay diideen in Sheekh Xasan Dahir la xiro, waxaana uu ku eedeeyay dowladda inay balanta ka baxday.

Sidoo kale Ugaas Cabdi Dahir ayaa sheegay in wax aanay fileyn ay qabsatay, isla markaana markii garoonka Muqdisho ka soo degayeen la geeyay meel howl ah, kadibna xalay saqdii dhexe garoonka laga soo bixiyay, oola keenay xarunta Nabadsugida, hase ahaatee goobtaas lagu xiray Sheekh Xasan Dahir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in rag ka mid ah wafdigii Cadaado tagay la dhaawacay, markii uu dhacay murankii la xiriiray in Xasan Dahir la xirayo, waxaana la sheegay in xubnaha la xiray uu ku jiro Jen. Subxaanyo oo ka mid ahaa ergadii Cadaado.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan waxa dhacay iyo warka ka soo yeeray ergadii ka timid Cadaado ee xalay keentay Xasan Dahir oo sheegay in dowladda ay balanta uga baxday, isla markaana la jirdilay, Sheekh Xasan Dahirna xabsiga la dhigay.

Arrintan dhacday ayaa aheyd mid aan la fileyn, iyadoo ciidamada gaarka ah ee Hey’adda Nabasugida qaranka ay la wareegeen Sheekh Xasan iyo raggii la socday, lamana oga xaalada uu ku dambeeyo Sheekha.