Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi-guriga uu ku jiro lagu soo dhex wareystay

0
196

Muqdisho(INO)- Jariiradda Toronto Star ayaa wareysi dheer oo dhinacyo badan uu kaga hadlayo waxa ay la yeelatay hoggaamiyihii xisbigii bur-buray ee Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys kaas oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya tan iyo sannadkii 2013-dii.

Jariiraddan oo sidoo kale wareysi ka qaaday Sheekh Xasan Daahir Aweys toban sano ka hor markaas oo uu ahaa hoggaamiyihii golaha shuurada ee Midowgii Maxkamadaha ayaanan wax badan iska badelin muuqaal ahaan iyo fikir ahaanba, sida wareysiga laga dheehan karo.

Waxa uu wali aaminsan yahay fikirkiisii adkaa ee ku dhaqanka shareecada, walow uu muujiyay isbeddel dhanka taageerada uu u hayo sida A-shabaab iyo waxa uu ka aaminsan yahay kooxda cusub ee Soomaaliya soo sal dhigatay ee Daacish.

Waxa uu sheegay in uusan taageersaneyn in Daacish soo gasho Soomaaliya oo ay ka dagaalanto, balse waxa uu caddeeyay in uu teegeero u hayo hoggaamiyaha kooxdaasi Abubakar Al-Baqdaadi iyo fikirkiisa in uu yagleelo dowlad Islaami ah.

Shabaab ayuu sheegay in uusan taageersaneyn qaar ka mid ah dhaqamada iyo mowqifkooda, waxaana uu sheegay in ay dagaal kula wada jireen hal cadow, taasna uu ku taageersanaa.

Wareysiga wadaadka oo aad u dheeraa ayaa waxa uu ku qornaa luuqadda Ingriiska, waxaana wareysatay wariyad lagu magacaabo Michelle Shephard oo u shaqeysa jariiradda The Star ee kasoo baxda dalkaasi Canada.