Sheekh Shariif Oo Ka Carrooday Dowlada Kenya Una Yeeray Amina iyo USA

0
586

Nairobi (INO)-Madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay wasiirka arimaha dibada Kenya Aamina Maxamed iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Mareykanka.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo si weyn looga taageersan yahay Kenya ayaa wuxuu kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibada Kenya kagala hadlay arimaha Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dhadhaab.

Sheikh Shariif ayaa kala hadlay dowlada Kenya arimaha dib u celinta qaxootiga oo dowlada Kenya ay go’aansatay iney dib dalkooda ugu celiso, maadaama la qorsheeyay in la xiro xerada Dhadhaab.

Dhinaca kale madaxweyne Sheikh Shariif ayaa magaalada Nairobi kula kulmay siihayaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxayna ka wadahadleen taageeraada Mareykanka uu siiyo dowlada Soomaaliya.

Wuxuu weydiistay iney ku taageeraan doorashada sanadkaan ka dhaceyso Soomaaliya, waxaana uu sheegay inuu musharax yahay, walow uusan walu Soomaalida u shaacin musharaxnimadiisa.

Idale News Online, Nairobi