Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii ka dhacay Hotel Jazeera, markii Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya uu ku eedeeyay inuu wax ka ogaa.
“Waxaan ku tilmaami karaa nasiib daro iyo wax aad looga xumaado oo Mas’uuliyad ka bax ah, waa ogtihiin Wasiirka Arrimaha dibada Kenya in waqti kooba xilka hayay, marka hadalkaas ma kaalmeyneyso wada noolaanshaha labada shacab iyo xiriirka labada dowladood”ayuu yiri Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka filayeen inay la shaqeyso dowladda cusub, balse ay muuqato colaad iyo cuqdad ku jirto sida uu yiri.
“Waxay aheyd gef aniga la igu tala galay, waa ka weyn nahay inaan ka shaqeeyo ama shirqool in leygu tuhmo, in qof soomaaliyed ama Madaxda qaranka, aan u maleeyo Alle ayaa ku mahadsan, waa dhacdo xun, aniga waxaa meesha u tagay gurmad iyo inaan Madaxweynaha meesha ka saaro, hadii shil meel ka dhaco waxaa ugu weyn waa in Madaxda laga saaro, waana xil iga saarnaa Madaxweynaha inaan jeeno Guriga loogu tala galay waana waajib iga saarnaa, Qaraxaas waxaa sheegtay Al-Shabaab, aniga ma aqaan sabab leygu soo leexiyo.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynihii hore Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Caalamka marar badan kala hadlay in Kenya aysan dhex dhexaad ka aheyn arimaha Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay sida aysan raali uga aheyn inuu ku soo laabto xilka Madaxtinimada Soomaaliya sida uu yiri.
“markii doorashada socotay dhaq dhaqaaq aniga iga soo horjeeda wasiirka asiga isoo wacay, waxaa kala hadlay inay dhex dhexaad ka noqdaan, waxaa kala hadlay dowlado badan in Kenya dhex dhexaad ka aheyn, howlaha dalka wuxuu igu kaalmeynayay ma aqaan arrinta la hubo waa inaan doorashada ku soo laaban sabab kasta ha kalifta, hadii shidaal ama batrool rabaan, aniga mas’uuliyadeeda waa soo gutay, mana rabo inaan dhex galo wax la soo dhaafay, dowladda cusub ayay u taal”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo si gaar ah u xusay in Kenya ay colaad u heyso.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Sam Ongeri uu ku eedeeyay Madaxweynihii hore inuu wax ka ogaa qaraxa, lama filaana ku noqotay sida uu goobta u yimid wax yar kadib qaraxa, isla markaana aanay ka muuqan wax naxdin ah
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com