Muqdisho(INO)-Sakariye Ismaaciil Xersi oo loo yaqaano (Zaki), kana tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay in Sheekh Muqtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur” uu isaga baxay Ururka Shabaab.
Muddo hada laga joogo saddex sano ayuu sheegay in Sheekh Muqtaar uu ka baxay Ururka Shabaab, markii feker ahaan ay isku keeni waayeen Hogaamiyihii Ururka Shabaab Axmed Godane ee Mareykanka duqeyn uu ku dilay Gobolka Shabeellaha hoose 1-dii Bishii September sanadkii 2014.
Sakariye wuxuu sheegay in Abuu Mansuur uu yahay shaqsiga kaliya ee xag Diin iyo xag Caqli kasoo haray madaxdii Shabaab, maadaama uu garawsaday inuu ka baxo Ururkaasi, kadib markii aanu jecleysan sida ay wax u socdaan.
Abuu Mansuur wuxuu sheegay in saddex sano ka hor markii uu ka baxay Shabaab uu go’aan ku gaaray inuu ku noolaado deeganada uu kasoo jeeda ee Baay iyo Bakool oo ilaa hada uu ku nool yahay.
“Sheekh Muqtaar mar hore ayuu ka tagay Shabaab waa qofka kaliya ee Diin, caqli iyo waxgaradnimo ka soo haray madaxdii Shabaab 3-sano ka hor ayuu ka baxay wuxuuna ku nool yahay deeganada uu kasoo jeedo.” Ayuu yiri Sakariye Ismaaciil oo Wareysi siiyay Idaacada VOA.
Waxa kale uu Sakariye ka waramay hogaamiyaha cusub ee Al Shabaab ninka lagu magacaabo Ahmed Omar Abuu Cubeyda, karti ahaan iyo sida shaqada hogaanka Shabaabka uu u wadi karo, isaga oo tilmaamay in Ahmed uusan laheyn ad-adeegii Hogaamiyihii hore ee Shabaab, balse isku feker ay yihiin isaga iyo Hogaamiyihii la dilay.
“Axmed Diiriye Gobol ayuu Guddoomiye ka ahaa anaga ayuu na hoos taggi jiray waa nin shaqo badan oo karti badan mana filaayo meeshii uu ku jiray Godane inuu buuxin karo, karti ahaan go’aan adeeg iyo calool adeeg laakiin waa isku feker.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Saki.
Wixii ka dambeeyay markii la dilay Hogaamiyihii Shabaab Ahmed Godane, waxaa habacsanaan ku timid Ururka Shabaab oo noqday mid Saraakiil badan ay ka goostaan oo dhanka Dowladda ay ku biiraan.
Idale News Online, Muqdisho