Nairobi(INO)-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada Somaliyeed ahna ganacsade rug ganacsi ku leh dalka Kenya, ayaa waxa uu ka hadlay tallaabada ay Dowladda Kenya ku xanibtay hantidiisa.
“Wax aad loola yaabo weeye in Kenya ay hantideeda xanibto amaba ay igu eedeyso inaan Al Shabaab taageero.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Waxa kaloo uu sheegay in tani ay layaab gelin doonto cid kasta, bacdamaa uu isku sifeeyay shakhsi aad uga fog Ururka Al Shabaab, oo sheegtay masuuliyadda weerarkii Jaamacadda Magaalada Garissa.
“Arrintan aniga iska dhaafee qof kasta ayay yaab gelineysaa, maxaa yeelay waala ogyahay halka aan kala joogno aniga iyo Al Shabaab.” Ayuu yiri Wadaadka la xanibay xisaabaadkii uu Bankiga Kenya ku lahaa.
Sheekh Umal, ayaa ku waramaya inay naftiisu ogtahay inaanu taageerin Shabaabka hubeysan ee Somaliya ka dagaalama, sidaasi daraadeedna aanu aad ula yaabeen eedeymaha kaga yimid Dowladda Kenya.
“Aniga ahaan aad ulama yaabayo in la igu eedeeyo inaan taageero Al Shabaab, maadaama aan ogahay inaan nimankaasi taageerin, nafteedana way ogtahay. Wax is bedel ama saamayn ah iguma yeelan doonto.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi.
Kenya, ayaa waxay Arbacadii xanibtay akoonada ay 86 qof ku lee yihiin Bankiga Kenya, ka dib markii la sheegay inay si dhow ula xiriirineyso amaba ay taageeran Ururka Al Shabaab.
Sheekh Umal waxa uu hadalkan ka sheegay khudbad uu Salaaddii Jimcaha ka jeediyay Masaajid ku yaala xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
Idale News Online, Nairobi, Kenya.