Sheekh Bashiir “Dilalka Culimada Waxaa Looga Dan Leeyahay In Bulshada Indhaha La Tiro”

0
232

Muqdisho(INO)-Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadashay dilalkii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, kuwaasi oo loo geystay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ay gudoomiyaha Hay’addan oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dilalkaan ay qeyb ka yihiin kuwii loo geystay dad badan oo bulshada wax u tarayay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka dambeeyaan dad uu sheegay inay caadeysteen dilalka culimada, isaga oo tilmaamay in waxa ay doonayaan tahay in shacabka Soomaaliyeed indhaha la tiro.

Waxa uu tilmaamay Sheekh Bashiir in ka hay’ad ahaan ay si kulul u cambaareynayaan taasi, waxaana uu hadalkiisa ku daray in dowladda looga fadhiyo in ay gacanta kusoo dhigto dadkii ka dambeeyay dilalka ka dhacay Baydhaba.

Waxay doonayaan inay iska dhigaan in ay weli joogaan maadaama meelo badan laga saaray Al-shabaab ayna ku fashilmeen Milatari ahaan” ayu yiri Sheekh Bashiir.

Dhinaca kale Sheekh Bashiir ayaa soo jeediyay in Laba Laab laga dhigo dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab, isaga oo tilmaamay in shacabka aanay sidaasi ku dhamaan doonin, lana sheegi doono wax walba oo dhib ku ah umadda ama hadii ay jiraan dad si gaar ah shacabka u dhiba.

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa xalay lagu dilay mid ka mid ah Culimada ugu caansan magaaladaasi, iyadoo bishii January sidaas oo kale Baydhaba loogu dilay Sheekh caan ka ah halkaasi.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here