Sheekh Bashiir “Dhaqaalaha badan ee Jaadka ku baxa, hal maalin dadka Abaarta haysa wax haloogu qabto”

0
175

Muqdisho(INO)- Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Somaliyed, ayaa ka qaylo dhaamiyay xaalada Abaareed ee haatan ka taagan qaar ka tirsan Gobolada dalka Somaliya.

Sheekha ayaa isweydiiyay sababta, iyadoo ay taagan tahay xaaladahan Abaareed ee adag dadka ay isugu gar gaari la’yihiin, waxaana uu sheegay in arintaan aanan la dhayalsan oo loo kaco.

Waxa uu ka hadlay Qarashka faraha badan ee maalin waliba ku baxa qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya, waxaana uu ku baaqay hal maalin oo kaliya in dhaqaalahaasi faraha badan loo weeciyo dadka ay abaarta hayso si wax loogu qabto.

“Dadkeenii abaar bay u dhimanayaan ayaa hadane dhaqaalaheenii iyo xoolaheenii waxaa la siisanayaa wax sun ah oo iyadoo loo jeedo aan wax laga qabaneyn, qaadka oo kale qarashka maalin walbo ku baxa haddii maalin kaliya loo weecin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaarta hayso wax badan bay u qaban lahayd.” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah masuulka dalka ugu sareeya iyo Dowladiisa ayaa ku mashquulsan olole Xoogan oo raadinta Kuraas Baarlamaan ah, waxaana Madaxtooyada arintaasi ay ku bixinaysa Dhaqaale xoogan, laakiin Abaarta cidna wax iskama weydiin.

Dowladda Somaliya oo eeganaysa danaheeda gaarka ah iyo mida shaqsiyaadka ku xeeran Dowladda, ayaanan xitaa baaqyo ka soo saarin xaaladaha abaarta ee ka taagan Somaliya, iskaba daa kaalmo ay ka qayb qaadato.

Ugu dambeyntii, Somaliya xilligan waxaa ka taagan xaalad abaar ah oo dadka hadii aysan helin gurmad Bini’aadinimo waxa ay ku jiraan xaalad Qatar ah.