Sheekh Aadan Madoobe oo iclaanshey inuu yahay Musharaxa Gudoomiyaha Barlamaanka

0
261

Guddoomiyihii hore ee Barlaamaanka Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Muqdisho kaga dhawaaqey inuu yahay Musharax u taagan xilka guddoomiyenimada Barlaamaanka Cusub ee Somalia.

Ku dhawaaqistaan ayaa timid ka dib markii uu in muddo ah safaro kaga maqnaa magaalada Muqdisho, isagoo  bilihii ugu dambeeyey  howlo u gaar ah u joogey gobolada Bay iyo Bakool oo uu ka soo jeedo.  Waxuuna sheegey in uu rajo fiican ka qabo inuu markale noqdo guddoomiyaha Barlamaanka Somalia.

Tani waxay dhabar jab ku noqoneysaa Shariif Xasan Sheekh Adan oo isna ku dhawaaqey in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada Somalia, iyo dadaalkiisa ahaa inuu hor istaago siyaasada shaqsiyaadka ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ee raba iney qabtaan xilka guddoomiyaha barlamaanka ineysan marnaba odey dhaqeedyada soo gudbin, si riyadiisa ah inuu noqdo musharax u taagan madaxweynaha Somalia u noqoto mid dhabowda.

Dhanka kale waxaa muuqato marka laga soo tago in arrintaani tahay  caqabad Sharif Xasan ka hor istaagi karta inuu isu sharaxo xilka Madaxweyne ee Somalia,  in eedeynta UN Minotring Groupka ka soo baxdey ee  musuqmaasuqa iyo lunshada malaayiiin doolar ee loo haysto gudoomiyaha barlamaanka shariif Xasan iyo xubno dowlada  ay adag tahay in ay ka badbaadaan. walow ay  saxaafada ka beeniyeen  jiritaanka  eedeynta loo haysto.

Dad badan ayaa qaba in ku dhawaaqista Sheekh Aadan Madoobe ay dhiirigelin u tahay musharaxiin kale oo ka soo jeeda beelaha digil iyo mirifle oo  cabsi ka qabey in culeys kaga yimaado Shariif Xasan maadaama guddiga farsamo ee soo xulista barlamaanka yahay mid si dadban u hoostago saxiixayaasha roadmap balse guddiga sheegay inuu ka badaxbanaan yahay madaxdii soo xushey.

Idale News Online “INO” Muqdisho.