Shaxda madaxweyne Xasan iyo xulafadiisa waa dad wax ha helaan, dadna wax ha waayaan..

0
432

Muqdisho(INO)-10-kii Sebtember, sanadkii 1970kii waxey noqotay maalin mugdi ka ah Taariikhda Soomaaliya, waxaana ugu wacnaa, iyadoo uu Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu soo saaray ‘Xeerkii tirsigiisi ahaa 54: Law Number 54′.

Xeerkaasi waxaa uu qorayay in qofkastaa oo Soomaali ah oo kasoo horjeesto Kelitalisnimada Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu mudan doono ciqaabaha soo socdo:

Dil iyo hantidiisa oo la dhaco

Xarig ebed ah

30 sano oo xarig ah

Iyo xarigyo kale oo aan lasoo koobi karin.

Iyada oo ay 10kii Sebtember sidaa mugdi u tahay ah, ayaa hadane 10kii Sebtember 2012kii la doortay Madaxweynehii Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana loo doortay Mudande Xasan Shiikh Maxamuud.

Weydiimaha leys weydinayay waxaa kamid ahaa: muxuu ku dhaqaaqi doono madaxweynaha la doortay Taariikhda Mugdiga ah ee Soomaaliya?

Maalmo kadib, waxaa uu wareysi siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da. Waxaa uu ka sheegay in dad wax haaysto ay wax waayi doonaan, dad aan wax haaysana ay wax heli doonaan.

Waxaa xigtay in 6da Oktoobar, sanadkii 2012dii uu Wasiir Koowaad u magacaabo Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna ku beegay taariikh mugdi ah oo ku beegneyd taariikhdii uu dhashay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, taasoo aheyd 6dii Oktoobar 1919kii.

28dii Agoosto, sanadkii 2013dii waxaa Addis Ababa lagu kala saxiixday heshiis ay wada gaareen Wasiirkii Madaxtooyada Dowladda Soomaaliya Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo Guddoomiyehii Dhaq-dhaqaaqa Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam, iyada uu heshiiska goobjoog ka ahaa ergi kasocday Dowladda Itoobiya.

Heshiiska waxaa uu qorayay in Gobolada Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose leysku daro, looguna yeero “Jubaland”; isla markaa uu madaxweyne ka noqdo Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Heshiiskan waxaa wax ku waayay dadkii degaanadaasi degenaa, sida uu horayba usii sheegay, una jeclaa, una sii doonayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

23dii Juunyo, sanadkii 2014tii, waxaa Muqdisho lagu kala saxiixday heshiis marqaati looga dhigay waxa loogu yeero Beesha Caalamka sida Ergega Qaraamida Midoobay Nikolaas Kay, Ergeyga IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, iwm.

Heshiiskan waxaa uu qorayay in Gobolka Shabeelaha Hoose lagu daro Gobolada Bay iyo Bakool maadaama Gobolka Gedo laga qaaday Gobolkii Jubada Sare ee ka koobnaan jiray “Bay, Bakool iyo Gedo” Hase yeeshee, waxaa heshiiskan lagu boobay Gobolka Shabeelaha Hoose oo weligii katirsanaan jiray Gobolkii Banaadirtii Hore oo isku wada ahaa Shabeelaha Hoose, Banaadir/Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe. Heshiiskana waxaa ku cad waxa uu horay doonayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Hada waxaa lagu riyoonayaa in Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu daro Gobolka Hiiraan, waxaana Riyadii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud fulin rabo Wasiir Koowaadkii Hore ee Dowladii Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, iyadoo aanan lagaba fiirsaneyn halista ka imaan karto.

Waxaa kale ee socdo in Gobolada Galgaduud iyo Mudug leysku daro, iyadoo aananba lasoo hadalqaadeen dhulkii uu Gobolka Mudug ka koobnaan jirin sida Galgaduud, Mudug iyo Nugaal.

Hadal iyo murti, waa in la diidaa SHAXDA MADAXWEYNE XASAN SHIIKH IYO XULAFADIISA, waana in lagu dadaalaa sidii uu isu casili lahaa Mudane Xasan Shiikh Maxamuud. Waayo, Madaxweyne Xasan Shiikh maaha Madaxweyne ku wanaagsan guud ahaan GARSOORKA.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here