Xafiiska Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa iska fogeeyey in wax lug ah uu ku leeyahay fadeexada qoraalka lagu sheegey in Golaha Dhaqanka Beelaha Digil & Mirifle ay soo saareen oo ku saabsanaa Heshiis ah Qoraal aan si fiican loo turxaan bixin oo lagu sheegey inuu yahay mowqifka guud ee beelaha DM. Heshiiskaas ayaa ah dhaar xildhibaanada cusub ee beelaha DM saxiixayaan kaasoo u diidaaya iney isu taaagaan ama u tartamaan kursiga gudoomiyaha Barlamaanka hadday dhacdase Malaaqyada DM awood u leeyihiin iney xilka ka qaadaan xubintaas bedelkeedana la keeno sida aad ka dheehan karto qoraalkaas oo hoos ku xusan:
Arrintaas oo ah meel ka dhac iyo sharaf xumo lagula kacey xoriyada xildhibaanka leeyahay ee ah in la doorto waxna dooran karo, isla markaasna qoraalkeedu lahaa masuul sheeganaayaa Suldaan Soomaaliyeed in declaration form oo la mid ah dhaar si gaar ugu daneynaysa himilo siyaasadeed hase ahaatee ku tilmaamo horumarka beelaha DM balse ah mid ka hor imaaneysa hanaanka dowladnimo iyo danta guud ee beelaha DM iyo tan ummadda Soomaaliyeed, isla markaasina u muuqda mid iska horkeeni karta siyaasiyiinta beelaha digil iyo Mirifle oo aan siyaasiyan mideysneyn.
Waxgaradka iyo Aqoonyahanada gudaha & dibadaba waxay ugu digeynaa odey dhaqameedyada ku kadsoomey qoraalkaan iney mar kale ku kadsoomin “Talo Aan la Ruugin Waa Lagu Rafaadaa”oo ay iska hubiyaan, ka talogaliyaan aqoonyahanada beelahooda qoraalada noocaan oo kale ka hor inta aysan saxiixin, taas oo aan wax micno ugu fadhin DM iyo guud ahaan ummada soomaaliyeed hase ahaatee ku ah fadeexad iyo riyo maalmeed wax u dhimi karta sumcada dhaqanka iyo sharafka beelaha Digil iyo Mirifle.
Waxgaradka beelaha DM waxay ku talinayaan in fiiri dheer loo yeesho aragtiyada ku saleysan nin jecleysi iyo in la hoos galo fikir siyaasadeed oo Suldaan iyo siyaasi si hoose u gaareen taas oo aan aheyn maslaxada guud oo beelaha ka dhaxeysa balse looga baahan yahay dhaqanka soomaaliyeed in u hiiliyaan sidii Somalia ay u heli laheyd deganaan siyaasadeed iyo kalsooni buuxda oo la isku wada aamini karo.
Ugu dambeyn, taariikhda ayaa xusi doonta cid kastaa oo jalaafo siyaasadeed wadata ama la damacsan beelaha DM iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan. Waxaase loo baahan yahay in la kala garto hoggaanka dhaqanka iyo midka siyaasada; dhaqanka waa mid jiray jirina doona weligiis oo aan is bed bedel laheeyn, balse siyaasada iyo siyaasiga waa kan la jaan qaadi kara isbedelka siyaasadeed ee markaas socota, waxaad moodaa in xaalada hadda la maraayo in haddii mashruuc la rabo in la fushado in duubabka dhaqanka iyo kuwa siyaasada ku fashilmay in ummadda laga horkeeno iyada oo la og-yahay in mashaariixda noocaan oo kale ah in uusan socon karin dhaqanka shaqadiisa maaha siyaasada, mana mudna waana ku ceeb in odayada dhaqanka loo adeegsado siyaasad ama dan gaar ah oo shaqsi u adeegeysa.