Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya & kuwa AMISOM ayaa Dagaal kula wareegay Deegaan ka tirsan Gobolka Baay.
“Dagaal ayaa ka dhacay Duleedka Deegaanka Xalay xilli ay dadka hurdayeen, waxaana markii danbe aan aragnay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhex taagan Deegaanka Buur-Eyle, oo isku fidiyay Xaafadaha,” ayuu yiri mid kamid ah Dadka Deegaanka.
Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia, ayaa la sheegay in Dagaal ay ka qeyb qaateen, waxaana la ogeyn inta uu la egyahay Khasaaraha Labada dhinaca soo gaaray.
Xaaladda ayaa Saakay deggan, mana jiraan Wax Xiisadao Dagaal ah, iyadoo Ciidamadana ay Difaacyo ka sameysteen Daafaha iyo Gudaha Deegaanka.
Shalay Ciidamada Huwanta waxa ay la wareegeen Degmada Warsheekh iyo Deegaanka Raaga-Ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo aan wax Dagaal ah ka dhicin.
Gobolka Shabeellaha Hoose, Ciidamada waxa ay ku sii siqayaan Deegaanka Buulo Mareer, iyo Degmooyinka Baraawe iyo Qoryooley, halkaasi oo kamid ah Meelaha ay ku xoog badan yihiin Kooxda Al shabaab.
Idale News Online