Magaalada Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa waxaa markii 2aad muddo isbuuc gudahiis ah ka dhacey dagaal u dhexeya Ciidamada Raskambooni iyo Ciidamo beeled isku aruursaday meelo ka mid ah Magaalada Kismaayo.
Dagaalkii ugu dambeeyey oo dhacey saakey ayaa yimid ka dib Marki Ciidamo beeleed dhigtey isbaaro meesha lagu magacaabo Dalcada oo ka tirsan xaafada Calanleey.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Ciidamo amaanka degmada oo ay ka qeyb yihiin ciidanka Raskambooni ay weerar ku qaadeen Ciidamo beeleedkii isbaarada dhigtey iyagoo ku guuleystey iney kala diraan ka diba dagaal kharaar oo halkaas labada dhinac ku dhex marey.
Qasaaraha Dagaalka ayaan wali si rasmi ah lo sheegi kariin balse waxaa jira tiro seddex qofood oo dhinacyadii dagaalamaayey iney halkaas ku dhinteen sidoo kalena uu jira dhaawac aan intaas ka yareyn.
Xaalada meelihii dagaalada ayaa hadda degan, walow uu yaraadey isku socodkii dadka iyo gaadiidka xaafadaas, dadkuna ay horey u hoydeen.
Dagaaladaaan soo noqnoqda ee ka dhex taagan beelaha wada degan Jubooyinka ayaa ah mid salka ku haysa isqabqabsiga siyaasadeed ee maamul u sameynta jubooyinka iyo gedo kaasoo noqdey xudunta khilaafka ragaadiyo magaalada Kismaayo.
D Dagaalki ugu horeyay oo ka dhaca Gudaaha Magaalada Kismaayo inta ay Ciidamada Huwanta ah ay gudaha u soo galeen Magaalada Kismaayo.
Idale News Muqdisho