Muqdisho(INO)- Shaqaalaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa saaka dhigay banaanbax cabasho ah oo ay kaga cabanayeen Shirkada Favori ee dalka Turkiga laga leeyahay.
Dhalinyaro badan oo Garoonka ka shaqeysa ayaa isugu soo baxay Afaafka hore ee Garoonka Aadan Cadde, halkaasi oo ay ku dhigeen Banaanbaxa Cabashada ah ee ay kaga hadlayeen Mushaar inaan la siinin in muddo ah.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Dibadbaxa dhigay ayaa sheegay muddo inaysan qaadan Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen, taasi bedelkeedana ahmiyada la siiyo Shaqaalaha Ajaanibta ah ee Garoonka ka howlgala.
“Anaga xuquuqdii aan laheyn in muddo ah ma aynaan helin, waxaa taas ka sii daran Shaqaalaha waxaa ahmiyad weyn la siiyaa kuwa Ajaanibta ah ee ka howlgala Garoonka oo Bil kasta Mushaarkooda la siiyaa anagana nalama siiyo, waxaa kaloo ka cabaneynaa in qofka haysta Shahaadada Dugsiga Sare iyo kan haysta Shahaadada Jaamacada ay isku xuquuq yihiin.” Ayuu yir mid ka mid ah Shaqaalaha.
Shaqaalaha Banaanbaxa dhigay ayaa sheegay sidoo kale culeesaadka ay la kulmaan inay ka mid tahay, hadii ay ka soo daahaan Shaqada in la ganaaxo Shaqaalaha Somalida, balse taasi aanan lagu sameynin kuwa Ajaanibta ah ee Garoonka ka howlgala.
Intii Banaanbaxa ay dhigaayeen Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ku soo baxay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Garoonka oo isku dayay inay xaliyaan cabashada Shaqaalaha.
Ugu dambeyntii, Inta badan Shirkadaha Ajaanibta goobaha muhiimka ah ee ay gacanta ku hayaan ayaa ahmiyada waxaa la siiyaa Dadka Ajaanibta ah, iyadoo dadka Somalida ah ee muwaadiniinta ahna ay la kulmaan dhibaatooyin caqabad ku ah shaqada ay hayaan.