Shan sano oo ka soo wareegatay dilkii Hogaamiyihii Al-Qaacida Bin Laden

0
387

Washington(INO)— Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay bur burisay qeyb weyn oo ka mid ah ururweynaha Al-Qaacida, iyadoo shan sano ay ka soo wareegatay markii Ciidamada gaarka u tababaran ee Mareykanka ay dalka Pakistan ku dileen Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden.

Madaxa CIA John Brennan ayaa sheegay in Bin Laden uu Al-Qaacida u ahaa muhiimad, calaamad iyo istaartiijiyad, taasna ay keentay inay meesha ka saaraan.

“Waxaa bur burinay qeyb weyn oo ka tirsaneyd Al-Qaacida, Bin Laden wuxuu Al-Qaacida u ahaa muhiimad weyn iyo istiraatiijiyad, wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyay weeraradii 9/11, taas ayaa keentay inaan meesha ka saarno”ayuu yiri John Brennan.

Madaxa CIA ayaa sheegay in hadii ay dili lahaayeen Hogaamiyaha Kooxda Daacish ay noqon laheyd mid raad ku yeelata kooxdaas oo haatan gacanta ku haya dhul ballaaran oo ku yaala Suuriya iyo Ciraaq.

Waxaa uu sheegay inay isha ku hayaan Hogaamiyaha ISIS, isla markaana ay isku dayayaan si kasta oo lagu beegsan karo.

1-dii bishii May sanadkii 2011 ayay aheyd markii Ciidamada Navy SEAL ee sida gaar ah u tababaran ay Usama Bin Laden ku dileen magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, iyadoo Al-Qaacida uu xilligan hogaamiye u yahay Ayman Al-Dawaahiri.

Kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ayaa lagu tilmaamay koox aad ugu awood badan xilligan Kooxda Al-Qaacida oo haatan sii daciiftay

Daacish ayaa la soo baxday awoodo waa weyn, kadib markii ay la wareegtay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Suuriya iyo Ciraaq, waxaana haatan ay faracyo ku yeelanayaan dalalka kale oo Afrika ku yaala.

Dilka Usama Bin Laden ayaa waxaa soo baxday Kooxda Daacish ama ISIS oo la rumeysan yahay inay ka go’day Al-Qaacida, waxaana kooxdan xilligan tahay kooxda ugu dhaqaalaha badan ee Argagixisada Caalamiga ah.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here