Muqdisho(INO)-Madaxweyne Ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo Jimcihii ka hadlayey xafladda training institute ee Mukurwe-ini ayaa sheegay in qaramada Midoobey ay kala hadleen sidii qaxootiga Soomaalida muddo 3 bil ah gudaheed looga rari lahaa Kenya, Ruto ayaa intaa raaciyay in qasab ay ku celin doonaan haddii Qaramada Midoobey diido in ay gacan ku siiso.
Hadaba Akhri 5 Sabab oo Dowladda Kenya u diidaya in Qaxootiga Soomaalida soo celiso:
- Banii’aadnimada: dadka qaxootiga ah, waxaa ay u dhaxeeyaan sadex dal, dal ay ka yimdeen(origin), dal ay u socdaan(distination) iyo dal martigalinaya(host), Qaxootiga Soomaalida kuma soo noqon karaan dalkii ay ka yimaadeen oo dhibaato ayaa wali ka jirta, Ma dhaceyso wadamada reer Galbeedka in ay daad-gureeyaan 500,000 oo qaxooti ah hal mar, walina caalmka kama dhicin, waxaa marka qasab ku ah Kenya in ay ixtiraamto arimahaas Banii’aadamnimada
- Heshiisyada Caalamiga ah ay Kenya Saxiixday: Kenya waxaa ay saxiixday 3 heshiis uu ka mid yahay Heshiiska UN-ka , “non-refoulement, qodobka 33-xaad ee 1951 Refugee Convention kaas oo mamnuuceysa in Qaxootiga si qasab ah lagu celiyo, Geneva Conventions 1949-tii iyo heshiisyo kale oo Caalami ah iyo qaar goboleedyo oo dhamaan ka hor istaagaya in Qaxootiga qasab lagu celiyo, Kenya kama tilaabi karto heshiisyadaas.
- Heshiiska sedex geesoodka ah: November 10, 2013, Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa heshiis ku kala saxiixdey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dalka Kenya,waxana heshiiska labada dhinac ay isla garteen waxaa uu la xiriira sidii dib loogu celin laha qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.Waxaana heshiiskaan uu yimdi ka dib markii u qabsoomay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, Mudadii uu socdey shirkaan waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda UNHCR,waxana ka soo baxay heshiis dhigaya in qaxootiga ay si iskood ah dib ugu noqon karaan Soomaaliya,kaaso meesha ay ku kala saxiixdey Soomaaliya iyo Kenya.Soomaaliya waxaa heshiiskan qalinka ugu dugtay wasiiradda arrimaha dibadda ee Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo dhinaca dowladda Kenya ay u saxiixday wasiiradda arrimaha dibadda Aamino Maxamed, heshiiskan waxaa ka dhaqan galay in Qaxootiga qaar lagu soo celiyay dalka oo Xero looga dhisay Kismaayo dibadeeda kuwaas oo hadda degan, Kenya waa in ay sugtaa heshiiskaas.
- Dab Damin iyo Caadaadiska oo la Iska dajinayo: Jubilee Coalition, waxaa uu cadaadis ka heystaa Mucaaradka uu hogaamiyo Raila Odinga ee Cord kuwaas oo doonaya in Ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya iyo in amniga wax laga qabto, arintan mid la mid ah waxaa ay dhacday dhacdadii Westage 21 September 2013, cadaadis weyn ayaa soo food saaray Uhuru iyo Saxiibadiis, waxaa ay go’aamiyeen in Qaxootiga iyo dadka sharci la’aanta ah ay soo celiyaan, dadkii ay qabteen waxaa ay isugu geeyeen Kasarani, Nairobi.
9 iyo 18-ka April 2014dowladda Soomaaliya ayaa dalka keentay dad Qaxootigaas ah oo si qasab ah lagsoo musaafurisay dalka Kenya, Diyaaradda hore waxay waday 82 tan dambe 91 qof. Dowladda ayaa soo dhaweysay.
- Qaramada Midoobey iyo Wadamada Waaweyn: Jawaabta Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay ka bixin doonaan ayey ku xiran tahay tilaabada dowladda Kenya, Kenya waxaa ay ku raadineysaa lacag iyo arimo kale oo u gaar ah, waxa dhici karta in ay raadinayso in beesha caalamka la aragto dhibaatada waxa ay ugu yeereen la dagalanka argigixisada.
Sababahaas aan soo sheegnay ayaa ka horistaagaya in qaxootiga Soomaalida laga soo celiyo Kenya muddo sedex bil ah iyo xitaa sanado.