Shan qarax oo ka dhacay Magaalada Mandera iyo dad lagu dilay

0
166

Mandhera(INO)- Wararka ka imaanaya Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in xalay  saqdii dhexe halkaasi ay ka dhaceen Qaraxyo gaaraya Shan qarax oo lagu weeraray Magaalada Mandera.

Qaraxyadan oo ay geysteen rag hubaysan oo loo maleynaayo inay ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxaa lagu weeraray Xaafad ay degan yihiin dad Kenyan ah oo aanan u dhalan Magaalada Mandera ee dalkaasi Kenya.

Wariye ku sugan Magaalada Mandera ayaa BBC-da u sheegay xalay saacada markii ay aheyd 2:20 Daqiiqo mar kaliya in la maqlay Qaraxyo gaaraya Shan qarax oo waaweyn, kuwaasi oo si weyn looga maqlay magaalada argagaxna abuuray.

Waxa uu sheegay qaraxyadaasi in lagu weeraray Xaafad ay degan yihiin Dad Kenyan ah oo aan u dhalan Magaalada Mandera, waxaa halkaasi lagu dilay Afar ruux oo Kenyan ah, halka la dhaawacay Afar kale oo isla Xaafadaasi ku sugneyd.

Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Mandera Job Boronjo, ayaa dhankiisa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn dadka fuliyay weerarka inay ahaayeen Shabaab iyo dad kale.

Ruux ka mid ah dadkii maqlaayay hadalkii ay ku hadlayeen ragga weerarka geystay, ayaa sheegay markii gurigiisa la soo galay inuu ku dhuuntay meel guriga ka mid ah, balse uu maqlaayay hadalada ay ku hadlayeen dableyda hubaysan oo waxa uu sheegay inay ku hadlayeen Af-Somali.

Ciidamo aad u fara badan oo Millateri iyo Boolis isugu jira ayaa lagu soo daadiyay Magaalada Mandera, dadka saaka Salaada Subax Masaajidada kuma aysan dukan oo Xaafadaha kama aysan dhex bixin.

Magaalada Mandera waxaa ka socda howlgal ballaaran oo ciidamada Booliska iyo Millateriga ay ka wadaan Magaaladaasi.

Ilaa hada ma jirto ilo rasmi ah oo cadeynaya weerarkaasi inay geysteen Ururka Al Shabaab, balse Al Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ka fuliya Magaalada Mandera iyo deeganada ku dhaw dhaw.