Shacabka Magaalada Muqdisho oo bilaabay arrin ka farxisay Madaxda

0
205

Muqdisho(INO)-Inkastoo mudooyinkii dambe Maleeshiyaadka Alshabaab laga ciribtiray goobaha ay uga dhuumaaleysan jireen Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi iminka kusoo baraarugay Shacabka ku dhaqan Magaaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxa ay bilaabeen inay iska sifeeyaan haraadiga Maleeshiyada uga sugan Magaalo madaxda, iyadoona maalmahaani dambe la arkayay shacab gacanta kusoo dhigaayo shaqsiyaad ka tirsan Alshabaab oo falal lid ku ah Amaanka gacanta kula jira.

Saalax Axmed oo ka mid ah dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ruux ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab oo dil barer ah geystay.

Waxa uu sheegay in ruuxaasi Alshabaabka ahaa uu ruux kale ku dilay Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku wareejiyeen Saldhiga Booliska ee Degmada.

Nuur Cabdulle oo isna kamid ah dhalinyarada ku sugan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhowr mar ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro ka tirsan Maleeshiyada oo ku dhex noola Bulshada.

Dadaalkani ayaa waxa uu dhiiri galiyay Madaxda Qaranka iyo Saraakiisha Laamaha Amaanka DF Somalia kuwaasi oo in badan Bulshada ku dhiiri galiyay inay iska dhexsaaran waxa loogu yeero Manaxayaasha Alshabaab.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa waxa ay noqoneysaa mid sara qaada dadaalada ay DF Somalia ku xaqiijineyso Amaanka Magaalada Muqdisho waana markii ugu horeysay oo shacabka Muqdisho ay ku dhiiradaaan.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here