Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada Madaxtinimada dalkaas

0
283

Jabuuti(Jowhar)— Shacabka Jabuuti ayaa maanta oo jimco ah u dareeray cod bixinta doorashada Madaxtinimada dalkaas ee sanakda 2016, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen gobolada Jabuuti ololaha doorasho ee ay wadeen musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada.

Goobaha cod bixinta ayaa saaka aroortii hore la furay, iyadoo durbaba dadka ay bilaabeen inay safaf dhaadheer u galaan, si ay ugu codeeyaan musharaxa ay taageersan yihiin.

Madaxweynaha talada haya Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa la tartamaya illaa lix musharax oo kale, inkastoo loo saadaalinayo inuu mar kale ku guuleysan doono xilka Madaxweynaha.

Geelle ayaa waxa uu tartan xooggan kala kulmayaa hogaamiyayaasha mucaaradka ee Cumar Cilmi Khayreh iyo Maxamuud Daauud.

Hase yeeshee dadka ka faalooda arrimaha Jabuuti waxa ay sheegayaan in mucaaradku ay yihiin kuwa taagdaran oo kala qeybsan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jabuuti ayaa sheegtay in la diyaariyay dhamana agabkii doorashada, waxayna codsaday in amniga la ilaaliyo

Qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradka ayaa ka digay in doorashada lagu shubto, waxaana ay dalbadeen inay si cadaalad ah u dhacdo.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu xilka hayay tan iyo 1999-kii, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1977.

Idale News Online, Jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here