Hoosingow (INO) — Maleeshiyada Axmed Madoobe Tacadiyo & Gumaad u geestay Shacabka Degmada Hoosingow ee Gobolka Jubba Hoose, oo lagu soo waramayo in Shacabka Guryahooda xoog looga saarayo.
Inta la Xaqiijiyay Labo Ruux ayaa ku dhintay Dagaalka Dhex Maray Maleeshiyo Beeleedka Axmed Madoobe iyo Dadka Deegaanka Hoosingow.
Dadka Deegaanka Hoosingow oo ka Gadoodsanaay in deegaankaasi Dad lasoo Dajiyay Sida ay sheegeen laga keenay dalka Itootiya ayaa waxaa ay Go’aansadeen in Diidaan oo ay la Dagaalmaan Axmed Madoobe.
Mid ka Mid ah waxgaradka Deegaanka Hoosingow ayaa Idale News Online u sheegay in Maleeshiyada Axmed Madoobe si Bareer ah u Xasuuqeeysi Beesha Degta Deegaankaasi Hoosingoow.
Waxuu Beesha Caalamka uga Baaqay in ay Eegto Dhibaatada Axmed Madoobe ku Hayo Hoosingow & Degmooyinka kale ee Gobolada Jubbooyinka, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Suldaanka ayaa Waxaa uu Carabka ku Dhuftay in Axmed Madoobe uu Damacsan yahay in uu Dad uu ka Keenay Kalinka Shanaad uu soo dajiyo Hoosingow si qasab ah, taasi oo uu sheegay in ayna Mar’naba aqbali Doonin.
Maleeshiyada Raas Kambooni ee Axmed Madoobe u adeega ayaa Waxay Dadka Deegaanada Jubooyinka ku Hayaan Cadaadis & Caburin Xoogan, waxaana ay ku qasbayaan inay Guryahooda ka baxaan.
Idale News Online, Hoosingow