Shabaabka oo damiyey khadadkii teleefoonada shirka Hormuud ee guud ahaan gobolka Jubbada Hoose

0
197

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxay sababta shabaabku u damiyeen isgaarsiinta shirkada Hormuudka ee gobolada Jubooyinka.Wararka qaar waxay sheegayaan in shabaabku lacag dhan 50kun oo doolar waydiisteen shirkada ayna damiyeen kadib markii ay ka waayeen lacagtaas halka warar kale ay sheegayaan in arintani ay siyaasad ku lug leedahay.

Arrintaan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo ciidamada Kenya oo in muddo ah ka howlgalaayey Jubbooyinka ay bilaabeen iney ka baxaan gobolka, bedelkoodana ay la wareegayaan ciidamo ka socda Sierra Leone oo ka tirsan kuwa AMISOM ee Somalia ka howlgala.

Isgaarsiintii shirkada Hormuud ee magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee Jubooyinka ayaa wali  dansan.

Hormuud

Idale News Online, Kismaayo