Shabaab oo xukun dil ah ku fuliyay nin dhalinyaro ahaa

0
183

Buulo(INO)-Ururka Al Shabaab ayaa Deegaanka Buulo Fulaay ee Gobolka Baay, waxa ay ku toogteen nin dhalinyaro ahaa, kaasi oo ay ku eedeeyeen in isaga iyo rag kale ay dil ka geysteen meel ku dhaw Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Shabaab ayaa isugu yeeray Boqolaal Dadweyne ah, oo ay u sheegeen inay u soo daawasho tagaan xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Maxkamada Shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool, ayaa xukun dil ah ku riday Aadan Barow, oo Shabaab ay ku eedeeyeen inuu dilay isaga iyo rag kale nin socoto ahaa duleedka Degmada Qansaxdheere horaantii Bishii la soo dhaafay.

Qaadiga Maxkamada ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Aadan Barow, waxaana intaasi kadib rasaas ku boobay Aadan Ciidamo Shabaab ka tirsanaa oo u diyaarsanaa inay toogtaan ninkaan.

Xukunada Shabaabka ay ridaan ayaa ah hal dhinac oo aanan laheyd Difaacad, Dadka ay xukumaan Shabaabka ma helaan cadaalada rasmiga ah ee ay isku difaaci lahaayeen, maadaama aanan loo qaban qareen u dooda.

Shabaab ayaa dhowr mar sidan oo kale xukuno kala duwan oo dil ah waxa ay ku fuliyeen rag dhalinyaro ah oo eedeymo kala duwan loo soo jeediyay, kuwaasi oo ay ku toogteen Gobolada Shabaabka ay gacanta ku hayaa