Muqdisho(INO)- Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa weerar Khasaare geystay xalay waxa ay ku qaadeen Saldhig ciidan oo ku yaalo duleedka Degmada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Hamey lagu magacaabo oo ka tirsan Degmada Garissa, kadib markii dagaalyahano Shabaab ka tirsan ay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhiga.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay ciidamo fara badan oo Shabaab ka tirsan inay gudaha u galeen Saldhig ciidan oo ku yaalo Deegaanka, halkaasi oo ay kula dagaalameen ciidamada Kenya.
Al Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkaasi ku dileen 6 Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugnaa Saldhiga ciidan ee weerarka uu ka dhacay.
Waxa ay sheegtay Shabaab inay sidoo kale horay u sii kaxeysteen gaari noociisa uu yahay Land Cruiser oo ah nooca ay isticmalaan ciidamada Booliska Kenya.
Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay Warbaahinta Shabaabka in ciidamada Ururkooda ay qaateen saanad Millateri oo tiilay Saldhiga.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa weerarkaasi inay ku dhinteen afar Askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya.
Saraakiisha ciidamada Kenya weli faah-faahin kama aysan bixin weerarka xalay ka dhacay Deegaanka Haamey oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Xoogaga Shabaab ayaa dhowr mar weeraro qorsheysan ku qaaday Saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku laayeen askar badan oo ka tirsan Xukuumadda Nairobi.