Shabaab oo gacmaha ka jaray labo Wiil oo dhalinyaro ah

0
200

Galhareeri(INO)- Ururka Al Shabaab ayaa gacmaha ka jaray labo Wiil oo dhalinyaro ah, kadib markii ay soo istaajiyeen Fagaare ku yaala Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Dhalinyarada ay Shabaabka gacmaha ka jaren, ayaa waxa ay ku eedeeyeen inay geysteen fal xatooyo ah, kadibna maxkamada Ururka Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud ay ku xukuntay in labadaasi dhalinyaro ah gacmaha laga gooyo.

Dhalinyarada Al Shabaab ay gacmaha ka gooyeen, ayaa lagu kala magacaabaa Faarax Bile Maxamed iyo Quuri Cusmaan Cabdi oo maxkamada Al Shabaab ay sheegteen inay qirteen fal xatooyo goob ganacsi ah oo ay geysteen.

“Maxkamaddu markii ay dhageysatay dacwada lagu soo oogay eedeysaneyaasha iyo jawaabihii ay bixiyeen oo ahayd mid qiraal ah, waxay maxkamaddu u bandhigtay shareecada islaamka, wuxuu noqday Xadu Sariqah, waxay soo saartay xukunka soo socda:- Farxaan Bile Maxamed iyo Quuri Cusmaan Cabdi waxay maxkamaddu ku xukuntay mid kasta in lagu fuliyo xadu Sariqah, islamarkaana laga jaro gacanta midig.” ayuu yiri qaadiga maxkamadda oo fagaaraha ka akhrinayey xukunka.

Intaasi kadib ciidan Shabaab ka tirsan ayaa ku dhaqaaqay in gacmaha ay ka jaraan labadii dhalinyarada aheyd, iyadoo goobta ay ku daawanayeen Boqolaal Dadweynaha Degmada Galhareeri ah oo Shabaab ay isugu yeereen fagaaraha inay yimaadaan.

Falkaan gacan goynta ah ee Shabaabka ay u geysteen dhalinyaradaasi ayaa wuxuu shalay galab ka dhacay Fagaaraha Degmada Galhareeri, waxaana inta Shabaabka ay tacadi u geystaan Bulshada.

Maxkamadaha Shabaab xukunada ay ridaan ayaa u badan kuwa hal dhinac ah, iyadoo qofka eedeysanaha uusan helin qareen difaaca.