Warmaxan(INO)- Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saaka aroortii hore waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Warmaxan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Wararka waxay sheegayaan in dagaalkan uu biloowday kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi.
Inta la xaqiijiyay Labo ruux oo mid ka mid ah ahaa qof madaxa looga jiro ayaa dagaalkaasi ku dhintay iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.
Mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Warmaxan ee lagu dagaallamay ayaa sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay deegaankaasi daqiiqado badan gacanta ku hayeen, islamarkaana halkaasi ay ka qaateen Labo gaari oo dad shacab ah ay lahaayeen.
Dadka shacabka ayaa weli ku xareysan guryahooda, waxaana la sheegayaa in aysan jirin cid gacanta ku haysa deegaankaasi kadib markii Al-shabaab ay dib uga baxeen.
Saraakiisha ciidanka dowladda ee deegaanka Warmaxan ayaan isku daynay inaan wax ka weydiinno dagaalladan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay balse ma inoo suuragelin inaan qadka taleefanka ku helno.