Muqdisho (INO) – Waxaa lagu wadaa in uu maanta uu markii ugu horreysaywasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska Phillip Hammond uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho.
Waxaa iyana la sugayaa in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan in uu jimcaha furo safaaradda cusub ee dalka Turkiga ka dhisteen magaalada Muqdisho, taasoo ah safaaradda ugu weyn ee ay ku leeyihiin gebi ahaan qaaradda Afrika.
Haddaba, dad badan ayaa waxaa ay is weydiinayanaan sababta keentay in mar walba oo dalka laga sugaayo wafdi heer sare ah in ay ka qaraxyo ka dhacaan hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Dadka reer Muqdisho badankiisa, gaar ahaan aqoonyahanka ayaa waxay aaminsan yihiin in arrintan aanay ka lug bannaaneyn dalalka deriska ah, gaar ahaan dalka Itoobiya, oo aanan marnaba arki karin in Soomaaliya ay noqoto meel xasiloon oo ay ku soo dhiiran karaan madaxda adduunka.
Waxaa dad badan is weydiinayaan maxay Shabaab u weerari la’yihiin meelaha ay joogaan ciidanka Kenya, sida Kismaayo, Hargeysa, Garoowe..iyo meelo kaleba?
Waxaase taa ka sii daran markii aay saxaafadda Soomalida ay indhaha ka wada xirteen hagardaamada Itoobiya ay ka wado Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howl gala Muqdisho, oo markaad tiraahdo maxaad uga hadli la’dihiin Itoobiya ay kugula soo boodayaan “Ma waxaad rabtaa in aay Shabaabka na qarxiyaan” Taasoo dad badan ay ka shaki qabaan xiriirka Itoobiya iyo Shabaabka.
Itoobiya ayaa gebi ahaanba si dadban u qabsatay dalka Soomaaliya iyada oo maanta ay mareyso in magaalooyinka Soomaaliya ka bilow Hargeysa ilaa Kismaayo looga dabaal dego maalinta qowmiyadaha Itoobiya iyadoo weliba inta la qariyo calanka JFS bedelkiisana la ruxaayo kii Itoobiya.
Waxaa sharaf dhac kii ugu weynaa noqday, markii R/W CCC iyo Golahiisa wasiirada ay ka qeyb galeen xafladdii Itoobiya ee ka dhacday safaaradda ay ku dhex liiyiin Villa Somaliya.
Haddaba, haddii aanay shacabka Soomaaliyeed arrintan meel uga soo wada jeesan kana dhiidhiyin hagardaamada Itoobiya, waxay Soomaaliya noqon doonta mid qarka kasii dhici doonto.
Idale News Online, Muqdisho