Shaam Qoryooley Oo Isu Soo Sharxey Xildhibaanimada Beesha Garre Ee Doorashadda 2016

0
1064

Baydhabo(INO)- Musharax Xildhibaan: Magaceygu waa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Ku magac dheer Shaam qoryooley waxaan ka soo jeedaa beesha  Garre, Waxaan ku dhashey Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose sanadkii 1985, Isla degmada Qoryooley ayaan dugsiga quraanka iyo waxbarashada  hoose iyo tan dusiga sare ku qaatey.

Khibrada iyo Waxbarasho:

  •  Macalin iskuul baan ahaa 2 sano
  • Radio FM ah Oo lagu magacbo codka liibtanta baan agaasime ka soo ahaa hal-sano
  • Uruka bisha cas  ee qoryoley baan xubin fir fircoon ka ahaa
  • Ururka horumarinta dhalinyarada ee degmada Qoryoley baan aasaase iyo gudoomiye mar ka haaa
  • Hay’ad  ama NGO LORDO La yirahdo baan madaxa  dhaqalaha in 5 sano ah  ka  ahaa
  • Howlo samafal iyo tabaro dadka deegaanka loo fidinaayey baan qeyb weyn ka qaatay , xaga waxbarshada caafimaadka guud iyo waxa la xiriira
  • Waxaan Qoryoley ka noqday Gudoomiye ku xigeen
  •  waxaan isla qoryoley ley doortay Gudoomiyaha degmada ahan duqa magaalda laga bilaabo 2007 kii julay ilaa 2009 kii aan shabaab naga soo ceyrsatay.

Inta aan qurbaha ku noolaaa waxaan ka qeyb qaadanaayey sidii umada  Soomaaliyeed ugu bixi lahyed nidaam xumada , amni darad , musuqa , waxaan aad ugu qeyb qaatay shirar  muhiim ah oo runtii aan ka dhiibanaayey aragtideyda Qaran iyo goboleedba .

Anigu runtii Markaan aqbalay talo soo jeedinta asxaabteyda iyo Bulshada rer Qoryooley qaarkood , odayaasheyda , waxaan aqablay in aan ahay musharax u taagan xilka xildhibaannimada Beesha Garre ee degmada Qoryooley , Runtii isma amaanayo , waxan ka sugayaa shacabkeyga waxa ay iga yirahdaan aragtidooda wana qiimeyn doonaaa , anigoo og in aysan cod bixin cod iyo qof ahayn, haddana xulitaankaan runtii waan hubaa in aan ku guuleysan karo waxii calaf ah waa gooni.

Haddii aan ku guuldareystana dhiiro galin baan ka qaadi doonaa si aan u sii dadaalo cidkastoo ku soo baxdana in aan garabkeeda ahaado waa igu waajib , talo iyo tusalana ka siiyo qaabka umadaan loo matali karo sidaan horey u soo sameeyeyba .

waxaan ummadda Soomaaliyeed u rajeynayaa in ay 2016-ka ay hesho xildhibaano Aqal Hoose iyo mid Sare iyo madaxda heer qaran oo ka duwan kuwa maanta jooga , lehna aqoon diineed, mid maadi ah xushmadna ku dhex leh ummadda Soomaaliyeed, wax danbi ahna aan ka galin .

Waxaan Ilaah ka baryaa haddey kheyr ii tahay in uu ii fududeeyo haddey shar ii tahayna dhinac iga marsiiyo qofka mudana Ilaah ku hagaajiyo.

Waad Mahadsan tihiin.

Sawirka Mushara Xildhibaanka Beesha Gare ee degmada Qoryooley Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed

“Fadlan Codkaagu Sii, Si loo gaaro Horumar iyo Midnimo Waarta”

Shaam QoryooleyShaam 1

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here