Seneter Ilyaas Ali Hassan: Waxaan la imaan doonaa wax qabad muuqda Waana u Mahad celinaa Baarlamanka iyo Madaxweynaha KGS.

0
216

Baydhabo(INO)-Seneter Ilyaas Ali Hassan oo ka mid ah Munadiyaasha Aqalka sare u matalaya Maamulka Konfur Galbeed Dowlada Federalka ee Soomaaliya ayaa ah ah mudanaha ugu aqlabiyadda badan Xubnaha Aqalka sare ee Dowlada Federalka ee laga soo doortey Magaalada Baydhabo ee Maamulka Konur Galbeed Soomaaliya waxaana codka kalsoonida siiyey 91 mudane halka musharixii la tartamayeyna uu heley 39 cod.
Mudane Ilyaas Cali Xassan waxaa uu u mahad celiyey Madaxweynaha Dowladda Konfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Hassan Shekh Aadan iyo sidoo kale mudaniyaasha baarlamanka Konur Galbeed oo si aqlabiyad ah codkooda ku siiyey doorashadii maalinimadii shaley ka dhacdey Magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegey Mudane Ilyaas inuu ka shqeyn doono nabadda, hormarka iyo cadaaladda, Isagoona xusey ama balan qaadey inuu ku xirnaan doono mudada uu xilka hayo bulshadiisa iyo deegaanka laga soo doortey ee uu wakiilka ugu yahay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaan Ilyaas Cali Xassan ayaa madaxda Dowlada Konfur Galbeed iyo qeybaha bulshada ee wakiishey ka codsadey in ay la shaqeeyaan isagoona carabaabey in hadii si cadaalad ah ay ula shaqeeyaan Maamulka Konfur Galbeed iyo qeybaha bulshada uu sameyn doono is bedel iyo wax qabad la taaban karo.