Hargeysa(INO)- Samsam Cabadullahi Cusmaan oo ka tirsan saxafiyiinta ka howlgala Hargeisa, Somaliland ayaa Warbaahinta uga warrantay sida loogu jirdilay halkaasi.
Warda Axmed Rooble , Samsam Cabdulaahi Cusmaan iyo Ikraan Siciid Diiriye oo saddexduba ka mid ah warbaahinta Somaliland ayaa sheegay in jir dil loogu gaystay saldhiga Booliska Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa .
Saddexdan gabar ayaa sheegay iney jirdilka la kulmeen ka dib markii ay booqasho ku tageen xarunta saldhigga oo ku yaalla qaybta koonfureed ee magaalada Hargeysa halkaasi oo ay ku booqanayeen wiil ka mid ah ehelada saddexdan gabdhood oo ku xirnaa saldhigga.
Samsam Cabdullaahi ayaa sharraxday siday wax u dhaceen, waxayna tiri “Markii aanu tagnay saldhigga waa lana baaray illaa Labo jeer oo markasta naloo ogolaa inaanu gudaha galno , waxa la naga reebay Moobilladii aanu sidnay iyo boorsooyinkii gacanta , markaasi waxaanu gacanta ku sidnaa oo kale waxyaabo aanu u sidno wiilka maxbuuska ah , gudaha ayaanu galnay annaga oo hor taagan qolkii uu ku xirnaa wiilku , dabcan in la soo booqdo qofka aan dambiga weyn lagu haysanina waa wax caadi ah , ayuu naga daba yimi askari ka mid ah ilaalada waxa uu nagu amray inaan baxno, waxaanu noogu xigsiiyey inuu cabitaankii aan sidnay uu meel ku tuuro .”
Samsam oo sheegtay iney jir dil loo gaystay saddexdoodaba ayaa tiri “ askarigii ayaa markan dhirbaaxo iyo laad la dhacay saddexdayadiiba waliba aniga ayaa dhulka ku dhacay oo uu korka laadkii igala dhacay isaga oo xiran kabtii adkaa , sababta ayaan markasta weydiinaynaa balse nooma jawaabin” ayay tiri Samsam .
Saddexdan gabdhood ayaa intaas ku darray in taliyaha saldhiga oo ay magaciisa ku soo koobeen Taliye Waraabe uu xoogaa ka dib iyaga oo wali ku sugan gudaha saldhigga uu isna jir dil kale u gaystay .
Samsam markay Warbaahintala hadlaysay ayay u socotay xarun caafimaad, waxay sheegtay iney dhaawac ka qabto Kallideeda bidix .
Ururo u doodo xaquuqal insaanka ayaa bishii November ee sannadkii hore bilaabay afti ururin ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee ay shacabku dalbanayaan in boolisku ula dhaqmaan, kadib markii ay soo baxeen in dadbadan lagu dhibaateeyo xabsiyada Somaliland.