Sawiro:Wasaarada Macanta Iyo Biyaha KGS Oo Biyo Dhaamin U Sameysey Barakacyaal Ku Ooman Baydhabo

0
198

Baydhabo(INO)- 650 qoys oo degan kaamka 3kaam oo ku yaal duleedka magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa si wadajir ah biyo dhaamin ugu sameeyey Wasaarada biyaha iyo macdanta Koonfur Galbed Somalia iyo xildhibanad Samra Ibrahim Cumar oo ka tirsan Barlamanka federalka Somalia  biyo dhaaminta ay sida wadajirka ah usameeyeen  wasaarada iyo xildhibanada aya yimid xilli ay baahi weyn u qabaan biyaha Aysana itaalna ulaheyn iney biyo ii bsadan.

Wasiirka wasaarada biyaha iyo macdanta Dowlada Koonfur Galbeed Aadan Xasan Mxamed (Usama) oo ka Hadley goobta ayaa ushegey dadka in ka maamul ahaa ay joogteyn doonaan biyo dhaaaminta ayna ka warqabi doonaan fayo dhowrka biyaha waxa uuna umahad celiyeye xildhibanada kala qeyb qaadaneysey biyo dhaaminta.

Intii uu wasiirka ku guda jirey biyo dhaaminta waxa uu kula kulmey xerada barakacayasha dhexdeda hooyo xanuunsan taasoo u baahneyd gargaar caafimad waxa uuna wasiirka usoo kaxeeyey cisbtalka halkaso loogu fidiyey daryeel caafimaad.

Halkan Ka Daawo Sawiro

 

 

Wariye Maxamed C/Casiis Salaad

Idale News Online, office/Baydhabo