Goofgaduud(INO)- Abaaraha ka jira somaliya waxa ay gaareen meelihii ugu sareeyey dowlada hay,adaha gargaarka maamul goboleedyada iyo beesha caaalamka waxa ay dadaal ugu jiraan sidiii dadkaaasi loo gargaari lahaa.
Deegaanka goofgaduud buurey ee gobolka bay waxa uu kamid yahay deegaanada Sid aba,an ay abaarta u saameysey waxaana usii dheer oo ka dilaaacey xanuunka shuban biyoodka.
Waxaana manta deeq raashiin ah oo isugu jirta bur bariis sokor saliid iyo timir gaaarsiiyey Naasir oo ay soo wakiilatey dowlada kuweyt waxaana safarkii goofgaduud buurey ku wehliyey Gudoomiyaha maamulka degmada baydhabo wasiirka wasaaarada hubkadhigista iyo dhaqan celinta tawabarada maleeshiyadka konfur galbed somaliya
Waxaana ugu horeyn goobaasi ka Hadley naasir oo sheegey in raashiinkan dowlada kuweiyt ay ugu talo gashey dadka danta yare e ku dhaqan goof gaduud buurey.
Gudoomiyaha maamulka degmada baydhabo c/laahi cali maxamed watiin ayaa dhankisa halkasi ka Hadley isagoo sheegey in markii ugu horeysey ay tahay gargaar caalamiya lasoo gaarsiiyo goofgaduud mudo sanado ah.
Wasiirka hubka dhigista dhaqan celinta iyo tawabarada maleeshiyaadka konfur galbed somaliya xasan xusen maxamed Eeley ayaa dhankiisa balan qaadey in qof walba oo doonaya in gargaar uu gaarsiiyo dadka Tabaaleysan Ay Sugayan Amaanka goobaha gargaarka la aarsiinayo.
Wafdiga ayaa sidoo kale booqdey xarunta caafimaadka deegaankaasi halkaasi oo ay ku jiraan dad la ildaran xanuunka shuban biyoodka waxaana dhaqaatiirta Xaruntasi caafimaad ay sheegeen xalay iyo saaka in xarunta lasoo garssiyey 125 oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur halka Sedex Iyaga ka mid ah ay ku geeriyoodeen Xarunta waxaana guud ahaan deegaanka iyo deegaanada hoos yimaada xalay iyo saaka cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodey 15 Ruux.