Sawiro: Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar Oo Deeq Lacageed Gaarsiyey Isbitaalka Baydhabo -VIDEO

0
171

Baydhabo(INO)- Xildhibaan Idiris Cabdi Taktar oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaali ya ayaa Maanta deeq lacageed soo gaarsiiyey goobaha xaaladaha bani aadan nimo kajirto ee Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Xildhibaan Idiris Cabdi Taktar ayaa deeqdan lacaged soo gaarsiiyey Isbitaalka Baydhabo kadib markii qaylodhaan ku aadan abaaro iyo cuduro ka dilaacay qaybo kamid ah Koonfur galbeed taasoo dadbadani ay ku dhinteen kuwo kalena lagu daaweynaayo isbitaalka Gobolka Bay.

Xildhibaanka ayaa booqday goobo badan oo ay jiifeen dad cudurka shubanka sooritay iyo xaruumaha barakacyaasha wuxuxuuna lacagta uu gudoonsiiyey Isbitaalka iyo gudiga bulshadu ay leeyihiin oo markaasi loogu talagalay in biyo dhaamin logusameeyo.

Agaasimaha cisbitaalka Gobolka ayaa ka warbixiyey xaalada isbitaalka iyo lacagaha loogudeeqay.

Intaasi kadib Xildhibaan Idiris Cabdi Taktar ayaa kahadlay ujeedadiisa u yimid Baydhabo isagoo sidoo kale ku baaqay in loo soo jeesto bulshadan mas’uuuliyadeeda laqaaday.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella, Idale News Online, Baydhabo