Sawiro: Xiisadda diblomaasi ee u dhaxaysa Turkiga iyo Holland oo sii xumaatay iyo dibadbaxyo rabshada wata oo dhacay

0
174

Istanbul(INO)- In ka badan kun qof oo ah taageerayaasha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa iyagoo calamo sita isugu soo baxay dibadda qunsuliyadooda dalkaasi ee magaalada Rotterdam – Holland, ka dib markii xukuumadda Netherlands ay u diidday wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga in uu magaalada khudbad ka jeediyo.

Sidoo kale wasiiradda qoyska ee Turkiga oo gaari uga soo tallaabtay dalka Garmalka ayay joojiyeen booliska Netherlands xilli ay u sii socotay qunsuliyadda si ay khudbad ugu jeediso dadkii halkaa isugu soo baxay.

Wasiiradda oo lagu qabtay meel aan sida uga fogeyn qunsuliyadda Turkiga ayaa booliska ku tiri ” – Daartan waxa ay hoostagtaa dalkeyga, anigana waxaan ahay wasiirad Turki ah”.

Goor sii horreysay ayuu madaxweyne Erdogan ugu yeeray golaha wasiirrada ee Dutch-ka inay yihiin “haraadigii Naasiyiinta” bacdamaa ay is hor taageen booqashadii wasiir-arrimo-dibadeedkiisa.

Ra’iisul wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid waalli ah.

Wasiiradda arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya oo isku dayday inay gaarto halka mudaaharaadku ka socday ayey boolisku u diiddeen, ka dibna waxay u kaxeeyeen dhinaca xudduudda Jarmalka, ayagoo markii dambena dalka ka eryey.

Ra’iisul wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa booqashada wasiiradda ku tilmaamay mid qayrul mas’uulnimo ah.

Turkiga wuxuu ballan ku qaaday inuu aargoosi ka samayn doono wax uu ugu yeeray qaab-dhaqan aan la ogolaan karin oo lagula kacay wasiirad xasaanad diblomaasiyadeed leh.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa hadda jooga madgaalada Metz ee waqooyiga bari ee Faransiiska si uu khudbad ugu jeediyo dadka Turkiga ah ee dhalashada Faransiiska haysta, isagoo doonaya inuu kala hadlo aftida dhici doonta bisha dambe.