Sawiro: Wefdi Ka Socodey KGS Oo Maanta U Kuurgaley Xaaladaha Degaanada Awdiinle iyo Goof-Gaduud Buurey

0
197

Baydhabo(INO)- Wefdi  Ka Socoday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaarey Deeganada Awdiinle Iyo Goof-gaduud Buurey  Ee Gobolka Bay  halkaas ka dilaacey Cudurka Shuban Biyoodka isla markaana ka jirto Biyo La’aan baahsan.

Xubnaha Maanta Gaarey Degaanadaas ayaa waxay ahaayen Wasiirka hub ka dhigista,Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyada  Xassan Xuseen Maxamed( Xasan Eeley), Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin, Taliyaha Nabad Sugid Degmada Baydhabo Maxamd Isaaq Ibrahim ( Aflow) iyo Madaxa Hay’ada Samafalka Ee Qalam  Sheikh Ilyaas oo Halkaas Gaarsiyey Kaalmo Bini’aadanimo.

Hay’ada Al-Qalam Ee Sheikh Ilyaas ayaa maalmahan waxay ka waday gudaha  iyo daafaha magaaladda Baydhabo biyo dhaamin iyo Kaalmo Bini’aadanimo oo ay gaarsiineysay dad Barakacyaal  ah oo saameysey Abaarta Ka Jirta Koonfur Galbeed Somalia.

Ugu dmabeyntii, Wefdiga ayaa Waxay halkaas  Ku Soo arkeen Xaalado Caafimad daro aad u daran, daawo la’aan iyo Biyo yari ka jirto Deeganadaas.

Halkan Ka Daawo Sawiro