SAWIRO: Wasiiro, Maamulka Gobolka iyo Waxgaradka Caasimada Baraawe Oo Ka Shirey Abaaraha

0
224

Baydhabo(INO)- Kulan ay iskugu Yimaadeen Wasiiro Ka Tirsan Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Koonfur Galbeed,  Maamulka Gobolka Shabellada Hoose Odiyaal, Waxgarad iyo Ganacsatada Magaalada Baraawe iyo Ururka Haweenka Ayaa waxaa Lagu Qabtey Xaruunta Madaxtooyada Magaalada Barawe.

Waxaana U jeedada Kulanka ay aheyd Sidii Gurmad Loo Gaarsiin Lahaa Dadka Ugu Liita Magaalada Baraawe Ee Saameynta Weyn Ay Ku Yeelatey Abaarta Dalka Ka Jirta Inta kulankan Uu socday ayaa waxaa Su’aalo Lagu Weydiiyey Wasiirada Kuwaasi oo inta badan La xariiray Sababta Mudo Labo Sano iyo Afar Bil Maamulka u soo degi la,yahay Caasamada Maamulka Oo Hada Ay ku taalo madaxtooyo Ka weyn tan baydhabo ku talo Wasiirada ayaa Jawaab Kasiiyey shacabka Ayagoona Sheegey in Dhawaan Dowladu ay imaan doonto Magaalada Baraawe.

Sharkan markii uu soo Gaba Gaboobay Ayaa waxaa Warfidiyeenka La Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Adan cali ( Najax) Wuxuuna Sheegey Wixii Ay kawada Hadleen.

Madoobe Nuunow Maxamed Wasirka Xanaanada Xoolaha Ahna Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa shacabka Reer Baraawe U sheegey in laga bilaabo maanta ay bilaaban doonto Shaqada Madaxtooyada Waxaa sidoo kale Uu Ka HadlayKulanki Maanta Ay La Yesheen Bulshada Baraawe Ee Loogu Hadlayey Arimaha Gurmadka Abaaraha.

Halkan Ka daawo Sawiro

Maxamed Aaden Socdaal
Idale News Online, Baraawe