Sawiro: Shir Looga Hadlaayey Dhibaatooyinka Abaarta Ka Jirta Ee KGS Oo Ka Dhacey Baydhabo

0
171

Baydhabo(INO)– ShirJaraa’id Oo maanta Sida wada Jir ay wada qabteen Wasiirka Wasaarada Hub ka dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eeley, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxmed, Saraakiisha Amniga & Nabad sugida Degmada Baydhabo ayaa waxaa lagu falanqeeyey Dhibaatooyinka iyo daruufta Haysta Dadka Abaarta,Biyo La’aanta & Cudurka Shubun biyoodka Saameeyey Ee Dhaqanka Magaalada Baydhabo.

Waxaana kullanku  diirada lagu saarey Sidii kaalmo bini’aadanimo oo deg deg ah loo gaarsin lahaa Barkacyaasha, iyadoona maalin weliba Magaalada Baydhabo ay  soo gaariyaan Qoysas Hor leh Oo dhibeysan.

Intii  Shirka  Jaraa’id Socodey waxa la isku raacey in laga dhabeeyo wax u qabashada iyo in Kaalmooyin Bini’aadanimo la gaarsiyo Dadka Dhibaatada Haysta.

Si Kastaba ha ahaatee  Shirkan Jaraa’id ayaa waxa sidoo kale Loo Baaqay Bulshada Soomaaliyeed, Hay’adaha Samafalka iyo Qofkasta oo Caawin karaa in uu gurmado dadka tabaaleysan  oo aan waxba haysan.

Dhawaan ayay ahayd Ka dib  markii  Kaaliyaha  Qaramada Midoobey Ee Arimaha Bini’aadanimo  Ee Soomaaliya mar uu booqanay Baydhabo Ka Sheegey in 4 million  oo ruux oo u dhiganta 40% Bulshada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Gurmad Deg deg ah, kuwaas la sheegey hadii aysan helin Kaalmo deg deg ah ay soo wajahi karto Macmuul daran.

Ugu dambeyntii, Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxa Buux dhaafiyey Boqolaal Qoys oo ka soo barakaciyey Abaarta ku dhuftey Degaanada Koonfur Galbeed Kuwaasoo Xoolahoodu ay dhaafisay abaarta.

Halkan Ka Daawo SAWIRO