Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Burci Maxamed Xamsa ayaa maanta gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasoo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dhigiisa wadankaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geele.
Madaxweynaha ayaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada Jabuuti isagoo kulan saacado dheer qaatay islamarkaana lagu falanqeeyay xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah iyo arimaha kajira gobolka la qaatay madaxweynaha dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti,
Markuu kulanku soo idlaaday ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu talefishinka Qaranka u sheegay in kulankan uu ahaa la tashi laga sameynayay wada shaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti iyo guud ahaan gobolka.
Sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kahadlay arimaha ka taagan dalka Kenya gaar ahaan raafka ay dowlada Kenya kuheyso dadka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Nairobi iyo xarigii dhawaan loo geystay qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga dalka Kenya Siyaad Maxamuud Shire,
“Runtii aadban uga xunahay waxa dhacay laakin waxaan u yeernay safiirkeenii fadhiyay Kenya iyo qunsulkaba marka weli warbixin uruurin ayaan kujirnaa wixii nooga soo baxo ayaan arkeynaa waana la hadli doonaa dowladda Kenya”
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa isla galabta dib ugu soo laabtay dalka iyadoo uu garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Idale News Online,Jabuuti.