Sawiro: Maxaan Laga Garan Karaa Askarta Cusub Ee Al-Shabaab Ay Soo Bandhigtay

0
207

Afgooye (INO) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Sh/Hoose, kusoo bandhigtay dhalinyaro ka tirsan Kooxda oo dhawaan loo soo xiray tababar.

Maleeshiyaadkani la soo bandhigay ayaa waxaa Kooxda looga dhex yaqaan ”Xisbada”, waxaana la sheegay inay ka howlgali doonaan gudaha Kuunya Barow.

Sheekh Abuu Usaama oo ah Horjoogaha Kooxda ee G/Sh/Hoose, ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay la dagaalami doonaan wax waliba oo dhaawicikara akhlaaqda sida Aflaamta, Xafladaha iwm.

Sheekh Abuu Usaama, ayaa sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay inay la shaqeeyan dagaalyahaanada cusub ee ka tirsan ”Xisbada”.

Halkan Ka Daawo SAWIRO