Sawiro: Madaxweyne Farmaajo oo xalay cusbitaalka ku booqday dhaawacyada qaraxii xaafadda Kaawa Godey

0
200

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay wehlinayeen taliyeyaasha NISA, Boliiska iyo Asluubta ayaa cusbitaalka Madiina ku booqdey dhaawacyada dadkii ku wax yeeleebay qaraxii xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir, ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha oo ka qiireysnaa dhibaatadaasi ku dhacday dadkaasi, ayaa  dhaawacyada qaar xog wareystay, wuxuuna u ballan qaadey in si deg deg ah wax loogu qabanayo.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in ka badan 30 qof ay dhinteen 40 ruux badanna ay dhaawacyo soo gaareen, waxa uu sheegay in gargaar loo fidiyey, kuwaas oo ay ku jireen carruur yar-yar.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marka hore u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada geysatay, waxa uu Ilaahay uga baryayey kuwa dhaawacyada ahna  in uu caafimaad siiyo, sidoo kale madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah loo fidin doono daryeel caafimaad oo dibedda ah.

Sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan arrintaan qatarta nagu ah, waxa uu ballan-qaadey  in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa  lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar), ciidammada Qalanka Sida ayuu sheegay in dhowaan ay qaadi doonaan tallaabooyin adag loo arrimahaasi looga jawaabayo.

Dhinaca kale Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa sheegay in hey’addu ay leedahay meel ay shacbiga kala soo xiriiri karaan sida Lambarka (991 NISA), sidoo kalena dadka Bistoolladaha dilalka ku geysta cidda xogtooda keenta lagu abaalmarin doon 10,000 oo Dollar.

2

1

3

5