Sawiro: Madaxweynaha KGS Oo Xafiiskiis Ku Qaabiley Danjiraha QM Ee Somalia

0
191

Baydhab(INO)- Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Wafdiga waxaa Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Danjire Keating ayaa ku sugan goobta doorashada aqalka hoose oo maanta lagu dooranayo illaa 6 kursi oo aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ah.

Kuraasta maanta la soo dooranayo waxaa ku jira kuwa haweenka waxaana kursigii ugu horreeyay ku tartamay illaa seddex musharrax oo haween ah dhammaantood kuwaasoo kala ah Xabiibo Maxamed Kheyr, Hani Maxamed Aadan iyo Muraayo Ibraahim Madeer waxaana ugu dambeyn ku soo baxday oo guuleysatay Hani Maxamed Aadan oo heshay 26 cod.

Ugu dambeyntii, Danjire Keating ayaa joogitaankiisa maanta xarunta doorashada ee aqalka hoose ee Baydhabo waxay noqonaysaa doorashadii ugu horreysay ee uu korjoogto ka noqdo tan iyo intii ay magaalooyinka dowlad goboleedyadu ka billowdeen doorashooyinka baarlamaanka cusub.

kearing-iyo-shariif-1keating-iyo-shariif-2keating-iyo-shariif-3keating-iyo-shariif-4keating-iyo-shariif-5keating-iyo-shariif-7