Sawiro: Laanta Socdaalka oo xarun ka furatay Magaalada Baydhabo

0
242

Baydhabo(INO)- Laanta Socdaalka Soomaaliya, ayaa waxay maanta xarun rasmi ah ka furatay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha, Korneyl Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) gaaray Magaalada Baydhabo, ayaa xariga ka jaray xaruntan cusub.

Furitanka xaruntan, ayaa waxay ka dambeysay markii Korneyl Maxamed Aadan Jimcaale uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan, ayaa waxaa uu xilligaa ballanqaaday in la dardar-gelin doono sidii Laanta Socdaalka, ay xarun uga furan laheyd Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Korneyl Koofi oo ka hadlaayay xafladdii furitaanka Xarunta Laanta Socdaalka ee Magaalada Baydhabo, ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaga mahadceliyay sida uu hirgelinta xaruntan u dardar-geliyay.

Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo ka qaybgalay furitaanka xaruntan cusub, ayaa tallaabadan ku sheegay horu-socod wanaagsan.

Laanta Socdaalka, ayaa billihii la soo dhaafay waxaa ay xarumo ka samaysatay Magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe.

Halkan Ka Daawo Sawiro