SAWIRO: Koonfur Galbeed Oo Gargaar Gaarsisey Degmada Qoryooley Ee G/Sh/Hoose

0
270

Qoryooley(INO)- 377 Qoys oo ku nool Degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabellada Hoose, halkaas oo ay Saamaysay Abaartii Dalka ka dhacday ayaa Waxaa loo qeybiyay gargaar mucaawino ah, iyadoo laga Duulayay Warbixintii Guddiga Abaaraha Koonfur Galbeed ka soo Gudbiyeen Deegaanka.

Deeqdaan waxaa Isku kaashadey Gudiga Gurmadka Abaaraha Heer Federaal iyo Kan Koonfur Galbeed Si Loo Caawiyo Dadka Xaalada Bani’aadanimo Ku Haysata Deegaanada Koonfur Galbeed Somalia.

Qoysaskan Maanta Gargaarka La Gaarsiiyey aya waxaa Dhamaantooda ay Ahayeen Beeralay Sanadkan ay La Degtey Abaarta Dalka Ka Jirta Qaar curyaamiin qaarna waa indhooliyaal.

Gudoomiyaha Degmada Qoryoolay Maxamed Xaaji Cismaan shig shigow Ayaa sheegey inay haleen gargaarka balse aan ku filneen bulshada.Waxaana  uu  dalbaday in gargaarka loo kordhiyo markastane Lagarab istaago Bulshada Degmada Qoryooley.

Ibraahim Adan Cali Najah Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ayaa qoysaska Gargaarka la gaarsiiyey u sheegey in markasta la Joogteen Doono Gurmadka, isagoona u mahadnaqay Maamulka Degmada iyo Ciidamada Amaanka.

“Maanta waxaan idin soo gaarsiiney Gargaar kaasi oo idinkaga yimid dowlada soomaaliya iyo tan koonfur galbeed inagoo ka turjumeyno siyaasada maamulka koonfur galbeed” Sidaasi waxaa bulshada gargaarka la gaarsiiyey u sheegey Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka abaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Halkan Ka Daawo

 

Maxamed Aden Socdaal
Idale News Online, Qoryooley.