Sawiro: Jaamacada Koonfurta Somalia Oo 45 Macalin Tababar U Furtey

0
261

Baydhabo(INO)- Macalimiin ay Gaareyaan 45  Ayaa maanta Tababar 2 sano ah ay U furtey Jamacada Koonfurta Soomaliya Ee Baydhabo waxaana Gacan ka geystey Hay’ada NRC.

Furitaanka Tababaraka ayaa Waxa ka soo Qeeb Galey wasiirka Wasaarada waxabarashada iyo Barbaarinta KGS  Saadaad Maxamed Nuur Caliyow Iyo Macalimiinta Jaamacada iyo Bahda Waxabarashada Gobolka.

Ugu Horeyn Waxa Goobta ka Hadley Madax Kuliyada Waxabarshada Jamacada  Abshir Maxamed Idiriis Waxa Uu Ka Hadley ujeedka Loo Qabtey  Tawabarkan .

Sidoo Kale waxa  Goobta Ka hadley Gudoomiyaha Guud Ee Jamacada Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed  Cali Kaay waxaa Uu Ka Hadley Muhiimada Uu u leeyhay Tababarkan  Macalimiinta  La siineyo 2 sano ,

Waxa  Tababarka Furey Wasiirka Waxabarashada KGS Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, Waxa uu Macalimiinta U balan Qaadey In Uu Shaaqaleysiin Doono Hadi ay Dhameystaan Tababrakan Masheer kooda La siin Doono .

Ugu dambeuntii, Tababarakan Loo Furey macalimiintan  ayaa waxa ay Ku soo aadeysa Xili Magalada Baydhbao ay Ku soo Badaneyaa  Iskoolada waxa Lagu Barato.