Baydhab(INO)- Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa Maanta waxay isugu Soo Baxeen Banaanka Magaalada Baydhabo, iyadoo isu soo baxaasna uu ahaa mid ay Allaah uga baryayeen in uu Roob ay ku diirsadaan ugu naxariisto.
Isu soo baxaas waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, Maamulka Degmada Baydhabo , Maamulka Gobolka Bay iyo Culumaa’udiinka Gobolka Bay.
“Ma jirto cid wax idiin tari karta oo aan Allaah ka ahayn, sidaas darteed waa in aad Alle ka baridaan waxa aad rabtaan” ayey yirahdeen Culumada .