Sawiro: In ka badan boqol qoxooti soomaaliyeed oo Yemen laga keenay oo Muqdisho soo gaaray

0
202

Muqdisho(INO)- Waxaa shalay laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho 106 ruux oo soomaali qoxooti ah kuwaas oo laga keenay dalka ay dagaaladu ka socdaan ee Yemen.

Qaxootigan Soomaaliyeed ee soo gaaray Muqdidsho ayaa ka koobnaa 28-qoys, waxaana ay isugu jiraan dumar, caruur, waayeello iyo rag kuwaas oo si iskood ah u go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda ay mudo sanado ah ka maqnaayeen.

Hay`adaha qoxootiga UNHCR iyo IOM ayaa ka saaciday dhanka daabulidda iyo kharashka, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xubno kamid ah guddiga arrimaha qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliya iyo shaqaale ka socday hay’adda UNHCR.

Dadkan qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa muujiyay dareenkooda dib u soo laabasho, waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in kusoo dhex noqdaan dadkooda iyo dalkooda.