Mashruucaan oo ahaa mid loogu gargaarayo qoysaskii ay saameynta ku yeesheen fatahaadaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay garoonka kubada cagta xaafada kulmis ee magaalada Jowhar 20 cagaf Cagaf oo loogu talagalay in ay falaan 500 oo hektar oo dhul beereed ah.
Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya Hormuud Foundation waxaana Fulinaya Al.furqaan oo ah company ka howlgala Magaalada Jowhar.
Goobta Lagu soo Bandhigayay cagafcagaf yada ayaa Waxaa goob Joog Ka ahaa Madaxa Shirkada isgaarsiinta Hormuud Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uuna sheegay in wasaarada beeraha ay ka Codsatay Hormuud in ay gacan kasiiyaan Dadkii ay saameynta ku yeesheen fatahaada wabiga shabeele ayna ka aqbaleen.
Waxaa sidoo kale goobta joogay Masuuliyiin ka socotay maamulka g/sh/dhexe iyo kan degmada jowhar wakiilka wasaarada beeraha ee gobolka iyo xubno kasocday ngoga alfurqaan.
Idale News Online, Jowhar.